Shirkada WhatsApp ayaa la xaqiijiyey inay samaynayso update cajiib ah.
Updatekaan waa in WhatsApp lagu soo kordhin doono username option, kaa oo kuu oggolaanaya inaad ku isticmaasho WhatsApp magac gaar ah halkii aad ka adeegsan lahayd lambarka taleefankaaga! 😮📱
Taasi waxay ka dhigan tahay in qofku kula soo xiriiri karo adigoon siin lambarkaaga.
Haddii aadan si fiican u fahmin waxa uu yahay username:
Username-ku waa magac adiga kuu gaar ah, sida kuwa TikTok ama Telegram.
Tusaale ahaan, halkii aad isticmaali lahayd lambarka caadiga ah:
+2526xxxxxxx
waxaad isticmaali kartaa: @magacaaga 😍
Tusaale @cali, @Xamdi, @mohamed, @Sahro iwm
Waxaana la filayaa in feature-kan si rasmi ah loo sii daayo dhowaan.
Markaa adiguba diyaarso username-kii quruxda badnaa ee aad rabtay! 😎✨.

0 Comments